www.ahlukheyr.com

SIDA LOO SAMEEYO WEBPAGE BILOW AH.

Casharka 1aad

Hadii ay wax kaaga bilaaban yihiin sida loo sameeyo website, fadlan sug inta casharka 2aad laga diyaarinayo.

-Marka webpage aad samaynaysid waxaad u baahantahay in aad computer haysatid, khasabna ma ahan inuu internetka ku xiran yahay. Inta badan dadka bilowga ah waxay isticmaalan luugadda website ka lagu qoro ee (HTML),inkastoo ay jiraan luuqado badan oo ka duwan. Luqadaan waa mid aad u fudud oo kaliya u baahan inaad fahantid siday u shaqayso.

Inta badan markaad file kaydinaysid ama (save) garaynaysid waxaa jira (Extension) wax layiraahdo oo ah qaybta ugu dambaysa file ka kabid markaad magaca u bixisid. Taasoo cadaynaysa nooca fileka aad qortay. Tusaale ahaan Microsoft word markaad wax ku qortid oo aad magac u bixisid, file kii wuxuu noqonayaa magacaad u bixisay (magac.doc) taasoo cadaynaysa inuu qoraalkaad samaysay yahay (document). Sidaas si lamid ah, markaad qoraysid website waxaad ugu dambayndoonta magacaad u bixisay (magac.html) taasoo cadaynaysa in waxaad qortay ay yihiin (webpage).

Habada hadii aan bilowno qoraalka webpageka waxaad furtaa programka la yiraahdo (notepad) waxaadna ka helaysaa

  1. Click Start
  2. Click Programs
  3. Click Accessories
  4. ClickNotepad

Kadib markaad furtid notpad ka, waxaad u baahan tahay in aad qortid luqadahtml ka oo ah sidaan soo socota. Waad copy garayn kartaa hadaad rabtid

<html>
<head>
<title>Magaca webpage ka </title>
</head>
<body>

<p>Meeshaan wax ku qor, ogow waxad meshaan ku qortid ayaa pageka ku qornaan doona </body>
</html>

Intaas markaadqortid click save , markaad save dhahdid waxaa ku soo baxaya window, hubi in mesha ayfile type ku qoran tahay ee hoose aad ku bada shid all files.Ku save gareefileka desktop ka waxaadna u bixisaa macag.html

Imow desktop ka. 2 mar click garee file kii aad save garaysay siduu u furno.Markuu furmo waxaad ku qornaandoona “Meeshaan wax ku qor, ogow waxad meshaan ku qortid ayaa pageka ku qornaan doona” oo aad horay ugu qortay file ka htmlka

(casharka 2aad waa lasoo wadaa)

 

buttom logo